Dagaalo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 13 Aug 12, 05:05

Dagaalo culus ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay, iyadoo Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dhacay Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Xoogag hubaysan kana tirsan Xarakada alshabaab ayaa gantaalada garbaha laga tuuro iyo qoryaha noocyadooda kala duwan ee boobayaasha ku soo weeraray Fariisimaha Ciidamada Dowladda KMG.

Saldhigyada xalay la weeraray waxaa ka mid ah Saldhiga Kaaraan, Huriwaa, Laanta Towfiiq iyo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Xarakada Towfiiq, waxayna dagaalada geysteen qasaare Dhimasho iyo Dhaawac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu socday muddo hal saac ku dhawaad xalay saqdii dhexe, in kastoo aan rasmi ahaan la ogayn tirada dhimatay iyo dhaawaca maadaama xiliga habeen uu ahaa.

Habeenadii ugu dambeeyey ayaa xaalada Magaalada Muqdisho ay caadi ahayn, waxaana mararka qaar dhacayay weeraro ku dhufo kana dhaqaaq ah oo Xarakada alshabaab ku qaadayeen Saldhigyada Ciidan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698