Xiliga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo dib loo dhigay.
Soomaalinews.com 13 Aug 12, 04:45

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo dhigay xiliga Doorashada ay dhaceyso Bishan 20-keeda ee nagu soo fooleh.

Warar laga soo xigtay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mahiga ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay howlaha Doorashooyinka ilaa Bisha dambe ee September ee sanadkan.

Waxaa jira caqabado wali ka jira soo xulida Baarlamanka Cusub oo Beelaha Qaar ay ka horjeedaan Xubnaha la soo xulay, iyadoona ay jiraan Beelo wali aan soo gudbin Liiskii ay ku lahaayeen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya.

Ergeyga Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya Mahiga waxa uu saacadaha soo socda shaacin doonaa dib u dhaca ku yimid waqtigii doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo si weyn loo sugaya 20-ka Agoosto, laakiin dib loo dhigay ilaa laga gaaro Bisha September ee nagu soo fooleh.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698