Maamulka Degmada Balcad oo odayaasha kala hadlay
Soomaalinews.com 12 Aug 12, 11:31

Maamulka Degmada Balcad ayaa maalmihii ugu danbeeyay kulamo la qaadanayay Odoyaasha iyo Dadka Degaanka Balcad waxa eyna kawada hadleen dhinacyo badan oo kamid ah hormarka Degmada Balcad iyo sugida amaanka sidii la iskala wada kaashan lahaa.
 
Afhayeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlada Soomaaliya Daa,uud Xaaji Cirro oo  Lahadlay qaarkamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ey Laqaateen qaarkamid ah Odoyaasha iyo Dadka Degaanka Balcad ey uga wada hadleen Sidii Dadka degaanka ey kaga qeeb qaadan lahaayeen Amaanka iyo hormarka Degaanka Balcad waxaana uu sheegay in kulankaasi sidii ey ugu tala galeen uu kudhamaaday.
 
Waxaana uu intaasi kudaray halkiisa in Odayaasha kasoo jeeda Degaanka Balcad ey Kacodsadeen Maamulka Degaanka Balcad in Al-Shababka kudhuu maaleysanaya Balcad ey gacanta  kusoodhigaan sida uu sheegay Waxa uu intaasi raaciyay hadalkiisa in ey isku afgarteen Odoyaasha iyo Dadka Degaanka
 Balcad in ey soogudbiyaan hadii ey arkaan Dadka doonaya in ey falal amaan xumo eyKageestaan Degaanka Balcad ey usoosheegaan ciidamad amaanka

Ugu danbeentii waxa uu kawarbixiyay Amaanka tan iyo markii ey kalawareegeen Ururka Al-Shabaab halkaasi ka,ariminjiray waxaaana uu sheegay Amaanka hada in uu Yahay mid wanaagsan.


Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashana kuwa midowga Afrika ee Amisom ayaa 26 June kala waregay Ururka Al-Shabaab Degmada balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698