Gudoomiyaha barlamaanka xilkiisu dhamaaday oo Goordhow ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa
Soomaalinews.com 12 Aug 12, 11:30

Gudoomiyaha barlamaanka xilkiisu dhamaaday Shariif Xasan Sh Aaadan ayaa maanta ku dhawaaqaya in uu yahay musharax utaagan Xilka madaxweynaha Soomaaliya.
 
Munaasabad balaaran oo uu isku soo sharaxayo Shariif Xasan ayaa haatan ka socota Muqdisho iyadoona ay ka qeyb galayaan dad aad ubadan.
 
Shariif Xasan Sh Aadan ayaa kamid ah Saraakiisha dowlada ee ugu cad cad doorashada madaxweynanimo ee dhacaysa 20-ka Bishan.
Siyaasadda dalka ayaa maraysa meel aad uxun, iyadoona saaxiibadii dowlada haatan waqtigeedu sii dhamaanayana ay haatan yihiin kuwa tartan xoogan uu ka dhaxeeyo.
 
Shariif Xasan Sh Aadan ayaa ku kalsoon in uu heli doono codadka Xildhibaanada kasoo jeeda goboladda Bay iyo Bakool, halka sidoo kalana uu galaan gal siyaasadeed ku leeyahay beelaha qaar ee goboladda kale ee dalka.


 

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698