Duqeyn xoogan oo Caawa loo geystay Magaalada Kismaayo.
Soomaalinews.com 11 Aug 12, 19:56

Waxaa caawa duqeyn xoogan loo geystay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoo Gantaalo gaaraya 5 gantaal ay caawa ku dhaceen Magaaladaasi.

Cirka Magaalada Kismaayo ayaa is qabsaday Holaca Iftiinka Gantaalada oo ka soo dhacay Markab dagaal oo ku sugan Xeebaha Magaaladaasi.

Madaafiicdaasi waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda 3 ruux kuwo kalena way ku dhaawacmeen dadkaasoo dhammaan ah dad shacab ah oo guryahooda madaafiicda kula habsaday, waxaana Caawa aad u kacsan Xaalada Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa sheegay caawa inuu jiro duqeyn gantaalo ah oo caawa loo geysnayo Magaalada Kismaayo, iyagoona sheegay inay ku bartilmaameedsanayaan Xarakada Alshabaab.

Xarakada alshabaab ayaa wali ka hadlin gantaalada caawa lagu garaacay Magaalada Kismaayo ee sababay Xasuuqa dadka shacabka ah.

Ugu danbeyntii waxaa muddooyinkan soo kordhayay Hanjabaadaha ka imaanaya Ciidamada AMISOM ee ku aadan in ay Kismaayo dhawaan ka saari doonaan Dagaal yahanada Xarakada Alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698