Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaana xarunta gaadiidka ciidanka Booliska kulan ku yeeshay Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM, waxaana kulankaasi intiisi badneyd diirada lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amaanka caasimada maadaama ay soo dhowdahay doorashada dalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya, saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM.
Taliye kuxigeenka Ciidamada AMISOM Oye Nyeko ayaa ka sheegay madasha in Ciidamada Booliska AMISOM ay hadda kadib si toos ah uga shaqayn doonaan saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha guddha Xukuumada KMG ah ayaa soo dhoweeyay kulanka maanta uu la yeeshay saraakiisha AMISOM.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com