Cali Maxamed Geeddi Ra段isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Jagada Madaxweyninimada Soomaaliya ayaa sheegey inuu dhawaan soo gaarayo Magaalada Muqdisho.
Mushraxan Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegey inuu diyaar u yahay in jagadaas u tartamo isagoona ballan qaaday haddii xilkaas ku guulaysto inuu Dalka wax badan ka qabanayo.
Arrimaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqay Mr Geeddi ayaa waxaa ka mid ah sugidda amaanka iyo soo Celinta Xasiloonidii Dalka ka jirtay Bur Burkii ka hor
Ra段isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay inuu ku Guulasyanayo Xilkaas isagoona u ballan qaaday Shacabka Soomaaliyeed in is bedddel la taaban karo uu u horseedayo.
Mr Geeddi ayaa ra段isul Wasaare ka ahaa Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo khilaaf ba誕n oo soo kala dhex galay Sababay in Xilkaas isaga Tanasulo ka gadaal cadaadis fara badan oo uga yimid Dhinaca Beesha caalamka.
Mr Geedi Xukuumaddiisa ayaa inta badan lagu eedeynayay Musuq maasuq baahsan iyo wax ka qabasha la誕an wadcigii uu dalku xiligaa marayay taasoo keentay in ay iska hor yimaadaan isaga Mdaxweynihii xiligaas Yuuf.
Hadalkan ka soo yeeray Ra段isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay Magaalada Muqdisha ay ku soo qul qulayeen Mas置uliyiin fara badan oo u sharaxan Jagada Madaxweynaha Soomaaliya kuwaasoo iminka tiradoodu ay kor u dhaafayso illaa afartan Musharax oo jagadaas u taagan.
laba maalin ka hor ayay ahayd markii uu isaguna dalka soo gaaray mid ka mid ah Ra段isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya oo isaguna u sharaxan Jagadaas Maxamad Cabdulaahi Farmaajo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com