Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta howlgalo hub ka dhigis ah kana qeyb qaadanayaan Ciidamada Booliska AMISOM ka sameynaya Magaalada Muqdisho.
C/samad ayaa sheegay howlgalkan inuu qeyb ka noqon doono sugida amaanka Muqdisho, hubkana laga qaadi doono Askarta ka tirsan dowladda KMG ee hubka la dhex wareegaya magaalada iyo ilaalada shirkaddaha Ganacsiga ee aan hubkoodu diiwaan gashaneyn.
Wasiirka waxa uu sheegay inay xoog hubka uga dhigi doonaan maleeshiyadka hubaysan ee sida sharci darada ah magaalada hubka ku dhexwata, gacantana lagu dhigi doono cid waliba oo hub macno daro ah magaalada ku dhex wata.
Ugu danbeyntii waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray dhawaan ciidamo Boolis ah kana socda ururka Midowga Afrika si ay ciidamadan uga qeyb qaataan Amaanka Magaalada Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com