Raisul wasaarihii Hore xukuumadda Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo iminka ku jira gacanta Taliska AMISOM Ayaa lagu soo waramaayo in la hordhigay qodobo ka mamnuucaayo isu soo taagida xilka Madaxtinimo ee Somalia oo lagu wado inay qabsoonto 20 Aug waa hadii uu ka dhaga adeego amarka AMISOM.
Farmaajo ayaa laga yaaba inuu isaga baxo Doorashada nagu soo beegan hadii uu ka dhaga adeego awaamirta ay fartay AMISOM sida aan ku helnay warka, waxaana lagu sheegay in qodobadaasi ay ka mamnuuci karto doorashada marna u ogolaan karto inuu ka qeyb qaato doorashada waxaana kamid ah.
1. Waxaa lama huraan ah inuu ahaado Shaqsi ku xiran Taliska AMISOM islamarkaana ka amar qaata.
2. Inuu ku xirnaada Dowladaha Africa islamarkaana ogaada in talada Dalka Somalia ay ka Go’ado Dowladaha Ciidamada ka jooga Somalia.
3. Latashiga iyo ka amar qaadashada Taliska AMISOM Ee Magaalada Muqdisho kahor inta aanu u ambabixin Socdaalka Caalamka.
4. Joojinta Banaanbaxyada iminka lagu taageerayo Isaga iyo inuu dhankiisa ka ilaaliyo Amaanka Magaalada Muqdisho islamarkaana uusan ka hadlin Siyaasada AMISOM kahor inta Doorashada aynan Dhicin.
Warar aan ka helnay Mid ka mid ah Ilaalada Ra’iisul wasaaraha ayuu ku sheegay in Farmaajo uu ka qeyb qaadan doono Doorashada haddii uusan qilaafin Qodobada iminka kasoo baxay Taliska AMISOM.
Ugu danbeyntii Raisul wasaarihii Hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa sidoo kale hor yaala hadalo uu ku canaantay Taliska AMISOM tani markii xilka qaadista lagu sameeyay erayadaasoo dhaliyay Buuq joogta ah hayeeshe iminka miiska u saaran Farmaajo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com