Dagaal Xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhexmaray Xarakada alshabaab iyo Ciidanka dowladda KMG.
Soomaalinews.com 11 Aug 12, 07:29

Dagaal xoogan ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha Duleedka Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Xarakada alshabaab iyo Ciidanka Dowladda KMG soomaaliya, dagaalkaasoo qasaare dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay.

Weerarka dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Xarakada alshabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyagoona dagaalka isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalkii xalay inuu ahaa mid ku bilowday Hoobiyayaal kadibna ay maqleen rasaas culus oo waji ka waji ah oo dhexmaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana inta la ogyahay dagaaladaasi ku dhintay laba ruux oo ciidan ah.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowladda KMG soomaaliya ee xalay ku dagaalamay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana saaka halkaasi ka socda howlgalo baaritaano ah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698