Taliska Ciidamada Dowladda Gobolada Jubooyinka oo u hanjabay Xarakada Alshabaab.
Soomaalinews.com 11 Aug 12, 05:28

Taliska Ciidamada dowladda Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay inay dhawaan gaari doonaan Deegaanada ay goboladaasi kaga sugan yihiin Ciidamada Xarakada Alshabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda gobolada Jubooyinka Maxamad Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay ujeedada ugu weyn weerarka ay ku qaadayaan deegaanada ay maamulaan Xarakada Alshabaab ay tahay Magaalada Kismaayo sidii ay kala wareegaan.

Dadka deegaanada gobolada Jubooyinka ayuu sheegay inay ugu baaqeen inay isdajiyaan, isagoo sheegay wax dhibaato ah u geysan doonin dadka rayidka ah.

Afhayeenka ciidamada dowladda gobolada Jubooyinka Maxamad Faarax Daahir waxa uu sidoo kale hay’adaha samafalka ugu baaqay inay caawiyaan dadka ku dhibaateysan deegaanada gobolada Jubooyinka oo dadka abaaro u dhimanayaan.

Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay taliska Ciidamada dowladda gobolada Jubooyinka ayaa imaanaya xili ciidamada Kenya iyo dowladda KMG muddo laba sano ku dhow dagaalo kula jiraan ciidamada Xarakada alshabaab gobolada Jubooyinka.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698