Wararka ka Imaanaya dalka koonfur Africa ayaa sheegaya in Maagalada Keybtown ee Dalka Koonfur Africa Lagu dilay laba ruux oo Ganacsato Soomaali ah ayaa halkaasi lagu dilay.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan Ganacsatada ladilay ay ahaayeen kuwo iyago ku ganacsanayay mehred ganacsi ay ku lahaayeen Dalkaasi.
Daadir ciise oo kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee kunool Dalkaasi oo lahadlay qaar kamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa wax uu sheegay in Ragga ladilay ay isla joogeen hal Dukaan ismarkaana lagu soo weeraray Bastoolado iyo Baangado si uu shegay.
Waxaana uu carabaabay in ganacsatada Soomaalida ah ee kudhaqan Dalkaas lagu bilaabay inla Boobo dhac iyo Dilna loo geysto.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in mudooyinkanba ay soo badanayeen weerarada loo geysanayo ganacsatada Soomalida ah ee Dalkaasi ku nool
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com