Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya maanta lagala wareegay inta badan xarumihii ay kaga sugnaayeen gudaha magaaladda.
Ciidamada Itoobiya ayaa deegaanadda ay kusugnaayeen waxaa ay ku wareejiyeen ciidamada Amisom ee dhawaan la geelayay Magaaladda.
Saraakiil katirsan maamulka dowada ee gobolka Bay ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay maanta inta badan la wareegeen xarumihii ay Itoobiya kaga sugneyd Magaaladda amaankana ay iyaga sugi doonaan.
Xarumaha ay Ciidamada Itoobiya baneeyeen ee lagu arkay kuwa Amisom ayaa waxaa kamid ah Warshaddii Abukaate Xasey ee Magaalada Baydhabo, oo ay Xaruun Militari ka sameysteen Ciidamadda Itoobiya, markii 22-kii bishii Febraayo ay Magaalada Baydhabo kala wareegeen Xoogaga Shabaab.
Ku dhawaad 1500 oo askari ayaa Amisom ka jooga Magaaladda Baydhabo waxaana lagu wadaa in ciidamadaas la gaarsiiyo ilaa 4 kun waxaana loo sii kala qeybin doonaa magaalooyin kale oo Bay iyo Bakool katirsan
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com