Farmaajo oo si kulul u Cambaareeyey falkii maanta lagu rasaaseeyey Banaanbaxayaasha.
Soomaalinews.com 09 Aug 12, 13:30

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamad Cabdulaahi Maxamad Farmaajo oo maanta markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho kadib la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn u mahadceliyey boqolaalka dadweynaha ah ee ka qeyb qaatay soo dhawayntii Taariikhiga ahayd ee loo sameeyey.

Intaasi kadib Maxamad Cabdulaahi Maxamad Farmaajo waxa uu si kulul u Cambaareeyey falkii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ku rasaaseeyeen dadkii shacabka ahaa ee banaanbaxa isugu yimid Taalada Sayidka.

Wuxuu sheegay in Saraakiisha dowladda KMG looga baahan yahay inay si deg deg ku baaraan cidii ka dambeysay rasaasta sababtay geerida labada ruux ee shacabka ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdulaahi Maxamad Farmaajo waxa uu sheegay in uu la xariiri doono ehelada dadkii ku geeriyooday rasaastii maanta, isagoo alle uga baryay inuu janada ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeena Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Ugu danbeyntii Farmaajo waxa uu sheegay in rasaastaasi la doonayay in lagu waxyeeleeyo musharaxnimadiisa, laakiin aysan haba yaraatee waxba u dhimi doonin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698