Guddiga Farsamada soo xulista Xubnaha Baarlamanka Cusub ayaa sheegay inay hayaan Liis ka kooban 180 Xubnood oo Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed qaarkood soo gudbiyeen.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada soo xulista Baarlamanka Cusub C/llaahi Xiirey oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Liis ka kooban 180 Xubnood oo Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed u soo gudbiyey, kuwaasoo ay wax dambi ah ku waayeen.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay goordhow Xubno kale loo soo gudbin doono si loo dhamaystiro soo xulista Xubnaha Baarlamanka Cusub ee soomaaliya si loo sii amba qaado howlaha dhiman.
“Tirada naloo soo gudbiyey baaritaan dheer kadib way ka weyn yihiin 25-jir, Shahaado Dugsi sare inuu heysto, Wax dambi ah dalka ka galin, Muwaadin uu yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Farsamada soo xulista Baarlamanka Cusub C/laahi Xiirey oo sheegay in 180 xubnood ay ka mid noqonayaan Baarlamanka Cusub ee ka kooban 275-ta xubnood.
Guddiga Farsamada ayaa ka digay in lala soo daaho Liiska Xubnaha Baarlamanka cusub, iyado wali aysan meesha ka maqnayn muran ka taagan qaabka loo soo xulayo Baarlamanka cusub ee Soomaaliya uga mid noqonaya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com