Isbahaysi Cusub oo ay ku mideysan yihiin 13-Musharax oo lagaga dhawaaqay Muqdisho.
Soomaalinews.com 09 Aug 12, 12:01

kulanka oo uu manta kadhacay xarunta Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa waxaa ka sooqeebgalay musharaxiinta ku midoobay isbahaysigan cusub muhiimadda loo aas aasay isbeheesigaan ayaa waxa ay tahay sahminta sidii ay uheli lahaayeen hal musharax oo ay ku mideeysan yihiin.

Xuseen Khaliif Jaamac oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka soomaaliya oo warbaahinta u aqriyay nuqul kamid ah warsaxaafadeedka ey manta sooosaareen ayaa wuxuu sheegay in qiimeyn kadib ay ku ogaadeen in Soomaaliya ay ku jirto musiibo halis galin karta jiritaanka umadda Soomaaliyeed.sida uu hadalka udhigay.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in musharaxiinta ku jirta isbaheysiga cusub ay soo dhaweynayaan musharaxiinta kale ee doonaya inay kusoo biiraan Bahwadaagta Qaran ee Isbadaldoonka.

C/raxmaan Macalin Sharaf oo isna ka mid ah musharaxiinta kulankaan kaqeebgalay oo isna aqrinayay nuqul kale oo kamid ah warsaxaafadeedka ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u canbaareynayaan faragelin uu sheegay in Madaxda dowladda ay ku hayaan odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

C/raxmaan Macalin Sharaf ayaa sidoo kale carabaabay inay jiraan musuq maasuq baahsan iyo in soo xulista Xubnaha cusub ee baarlamaanka ay isku badashay suuq la isku faliso sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ay maanta sida wadajirka ah ay usoo saareen ilaa13-ka msuharax ee ku midoobay isbaheysiga Bahwadaagta Qaran ee Isbadaldoonka ah ayaa waxaa loogu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo caalamka inay si gaar ah u eegaan dadaalkan cusub oo ay ku jiraan musharaxiinta isbaheysiga cusub ku midoobaan.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698