Ciidamada Itoobiya ayaa maanta Magaalada Baladweyne lagula eegtay Qarax Miino nooca meelaha fog laga hago, waxaana qaraxaasi ka dhashay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac gaaray Ciidamada Itoobiya.
Qaraxa kadib Ciidamada Itoobiya waxay ku dileen Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne dad shacab ah, kadib markii qarax Miino lagula eegtay Xaafadaasi xili Kolonyo gaadiid ah ay marayeen xaafadaasi.
Rasaasta ay fureen Ciidamada Itoobiya waxaa ku dhintay laba Ruux oo rayid ah, iyadoo halkaasina laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Ugu danbeyntii Ciidamada Itoobiya marka qarax lagula eegto Magaalada Baladweyne sidan oo kale rasaas Qasaare dhimasho iyo Dhaawac ka dhasha ku furaan dadka shacabka ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com