Yuusuf Garaad Cumar oo mudo dheer ahaa madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu shaqadaasi isaga tagay.
Warka ah in uu ka ruqseystay BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu soo dhigay barta uu ku leeyahay aaladda la iskula xiriiro ee Facebook, halkaasi oo uu ku sheegay in uu u ruqseestay in uu ku laabto wadanka.
"20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqsaystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal" sidaa waxaa Yiri Yuusuf Garaad.
Warkaan wuxuu ahaa mid horay u soo baxay waxaana qaar ka mid ah bulshada ay isla dhexmarayeen in Yuusuf Garaad uu ka tagayo shaqada BBC-da isla markaana wadanka uu ku soo laaban doono, asgoo ka qaybgalaya doorshada madaxweynenimo.
Inkastoo Garaad uusan si cad u sheegin in uu musharax madaweyne yahay, haddana, waxa la rajeynaaya in marka uu Muqdisho dhawaan yimaado in uu ku dhawaaqo arrintaasi.
Yuusuf Garaad ayaa wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta mudada dheer ka soo shaqaynayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana waqtigiisa inta ugu badan uu ahaa Madaxa laanta Soomaaliga ee BBC.
20-bishaan Agoosto ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagi qabto doorshada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasi oo ay ka qaybgalayaan musharixiin aad u badan kuwaasi oo qaarkood haatan ay joogaan Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com