Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Dastuurka Cusub ee Soomaaliya loo Ansixiyey, isagoona sheegay in Dastuurkaasi Ansixinteeda uu yahay dhib shacabka Soomaaliyeed loo geystay.
Guddoomiyihii hore ururkii Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku macneeyey Dastuurka cusub ee Soomaaliya inuu yahay mid lagu qiyaamay Shacabka Soomaaliyeed, lana doonayo in Diinta dhibaateeyo dalkana lagu galiyo Gumeysi.
Odayaasha Dhaqanka ee Ansixiyey Dastuurka ayaa sheegay inaysan ahayn odayaal matala Ummadda Soomaaliyeed, laakiin ay yihiin odayaal ay wataan Gaalada una fududeeyeen wax walba oo ay rabeen.
“Maanta maalin aan ahayn ayaa lala xisaabtami doonaa Odayaasha ansixiyey dastuurkaan oo aan diinta wax raad ah ku lahayn, Taariikhda Baal madow ayay ka galeen Odayaashaas” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa imaanaya xili maalmo ka hor Magaalada Muqdisho lagu Ansixiyey Dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo Culumada iyo Caamaduba ay ka horjeedaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com