Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ayaa saaka la wareegay Garoonka Diyaaradaha ee NO-50, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG.
Afhayeenka ciidamada Dowladda KMG Gen: Cali Caraaye Gacmadule ayaa sheegay in saaka ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Garoonka Diyaaradaha CO-50 iyo tuulooyin ku dhow, halkaasoo uu sheegay howlgalo ay ka sameeyeen kula wareegeen.
Gacmaduule waxa uu sheegay goobaha ay gaareen inay ka mid tahay xerada Aala-yaasir iyo tuulooyin ku dhow, howlgalooda saakana daba joogo howlgalo waayihii dambe ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Wuxuu tibaaxay inay ku wajahan yihiin Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose sida uu yiri, iyadoona ay saaka gaareen NO-50.
Ugu danbeyntii ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada alshabaab oo ku aadan hadalka Gacmaduule ee la xariira inay la wareegeen saaka Garoonka Diyaaradaha ee NO-50.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com