Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inaan loo dulqaadan doonin in madaxda Dowladda KMG iyo Siyaasiyiin ku lug yeeshaan…
Soomaalinews.com 04 Aug 12, 08:12

Agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska Nick Kay ayaa shalay sheegay in doraad magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen xubnaha kooxda xiriirka saaxiibbada Soomaaliya, kuwaas oo ka arrinsaday taageerada dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo loo dardargelin lahaa ka gudubka xilliga KMG ah ee ay hadda ku shaqeyso dowladda KMG Soomaaliya.

Nick Kay oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay inay kooxdu soo dhaweyso go’aankii ergada Soomaaliyeed ay ku ansixiyeen dastuurka cusub ee Soomaaliya isagoo dhinaca kale ka hadlay inuu jiro arrin aan la qabali karin oo ka jirta sida uu yiri xulashada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin faragelin lagu hayo soo xulista Xidhibaanada iyo inay jiraan dad doonaya inay gataan xildhibaanada si ay ugu gaaraan madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaa jira qorshooyin guracan oo aan la aqbali-karin oo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah, kuwaas oo doonaya in rag ay iyagu wataan looga mid dhigo Baarlamaanka cusub ee soo socda si dib loogu soo doorto, siyaasiyiintaasi waxay adeegsanayaan xeelado kala duwan, waana laga warqabaa kuwa sidaasi sameynaya,mardhow ayaana magacyadooda kashifi doonaa haddii ay ka waantoobi waayaan waxa ay wadaan” ayuu yiri Agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska Nick Kay.

Agaasimaha waxa uu sheegay inay taageersanyihiin hadalka ka soo yeeray wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Augustine Mahiga oo sheegay in faragelin xoogan lagu hayo qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka cusub, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey agaasimuhu “Runtii waa mid aan la aqbali karin, waxaana loo baahanyahay in la raaco shuruudihii loo asteeyay inuu yeesho xildhibaanka cusub ee ka midka noqonaya Baarlamaanka cusub ee soo socda”.   
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698