Maxamad Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka KMG soomaaliya ayaa waxa uu sheegay haddii ay jirto in aan loo madaxbanayn Odayaasha Dhaqanka soo xulida Baarlamanka Cusub ay tahay arrin meel ka dhac ah.
Dalxa ayaa sheegay inay wax laga xumaado ay tahay in Odayaasha Dhaqanka Soomaalida loo madaxney holahooda soo xulida Baarlamanka Cusub, taasina ay tahay qalad oo aan loo baahnayn.
Odayayaasha Dhaqanka ayuu ugu baaqay xildhibaan Dalxa inay soo cadeeyaan cida faragelinta ku heyso howlahooda soo xulida Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.
Dhanka kale Xildhibaanada cusub ayuu ugu baaqay Xildhibaan Dalxa inay noqdaan kuwo xaalada dalka ka bedeli kara, laakiin aysan noqon kuwo wixii la rabo lagu shubto.
Hadalka Dalxa waxa uu ku soo beegmayaa xili Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ku mashquulsan yihiin soo xulida Baarlamanka cusub oo la sheegay inay jiraan Faragelin lagu hayo odayaasha.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com