Saxiixayaasha Road Map-ka Soomaaliya oo maanta kullan ku yeelanaya magaalada Neyroobi.
Soomaalinews.com 04 Aug 12, 06:29

Wararka ka imaanaya Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan maanta magaaladaasi kullan ku yeelanayaan Saxiixayaasha Tubta Nabada Soomaaliya, halkaasoo ay dhammaan saxiixayaashu gaareen maalintii shalay.

C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa ka warbixiyey ujeedada kullanka Saxiixayaasha Tubta Nabada ee maanta ka dhacaya Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo shalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa sheegay in kullankaasi diirada lagu saari doono qodobadii ka qabsoomay Road Map-ka oo ay ka mid tahay ansixinta Dastuurka Cusub, soo xulida Baarlamanka cusub iyo dhaliilo sida uu sheegay.

Dhanka kale Saxiixayaasha Road Map-ka sidoo kale waxaa lagu wadaa inay kullan kale la yeeshaan Xoghayaha Arrimaha Dibada Dalka Mareykanka Hillary Clinton.

Kullanka Hillary Clinton iyo Saxiixayaasha Road Map-ka waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo kala duwan oo xaalada Soomaaliya ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698