Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya, iyadoona Ciidamada Amaanka ay wadaan howlgalo baaritaano ah.
Qaraxaasi oo ka dhacay Xaafada Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida waxaa ku dhintay hal ruux 10 ruux ku dhawaadna way ku dhaawacmeen, kadib markii qarax ka dhacay Xaafada Islii Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Dadka qaarkood waxay sheegayaan qaraxaasi inuu ahaa bambaano nooca gacanta laga tuuro, halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Qof isa soo miidaamiyey oo halkaasi ku qarxay.
Qaraxa goobta uu ka dhacay ayaa la sheegay inay ahayd xarun weyn oo ku dhow Taliska ciidamada Cirka dalka Kenya.
Gaadiidka ambalacta oo goobta gaaray ayaa xarumaha Caafimaadka gaarsiiyey dadka dhaawacyada gaartay, waxayna ciidamada sameeyeen howlgalo culus oo baaritaano ah.
Ugu danbeyntii qaraxyada ka dhaca gudaha Dalka Kenya ayaa noqonaya kuwo soo badana tan iyo markii Bishii October ee Sanadkii tagay Ciidamada Kenya ay soo galeen dhulka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com