Gabadha Soomaaliya u mataleysay Ciyaaraha Olimbikada Aduunka Zamzam Maxamed Faarax ayaa kaalinta 7aad ka gashay wareegii koowaad ee Orodka 400-Mitir, waxaana isha ku hayay dad fara badan oo Soomaaliyed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibada.
Zamzam Maxamed Faarax ayaa ku oroday 1:20:48 (Hal daqiiqo iyo labaatan Mirir iyo afartan sideed ilbiriqsi), taasoo ka dhigtey orodyahanadii ugu dambeysey ee ka qeybgashay wareegga koowaad isla markaana ku hartay.
Kaalinta koowaad ayaa wareegii koowaad ee qeybtii ay ordeysey Zamzam waxaa gashay gabar ka socotay dalka Mareykanka, waxaana kaalinta labaad gabar ka socotay Britain, waxaana marka loo eego qaababkooda ahaayeen gabdho aad u carbisnaa oo da’ ahaan ka weynaa.
Natiijada ay soo hoysay Zamzam ayaa dadka ku qanceen, maadaama ay Sooneyd, sidoo kale waxay muujisay dadaal dheeraad ah.
Hadaba caawa saqda dhexe waxaa Tartanka 1500-Mitir ka qeyb geli doona Maxamed Xasan oo la tartami doono ilaa 14-dal oo ka socota qaaradaha Aduunka.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com