Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo sheegtay in lagu tuntay Xuquuqda Haweenka.
Soomaalinews.com 03 Aug 12, 07:40

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu tuntay Xuquuqda ay lahaayeen Haweenka Soomaaliyeed.

Caasho Axmed Cabdalla oo la hadashay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay In lagu tuntay Xuquuqdii ay lahaayeen Haweenka Soomaaliyeed, isagoo xustay in haweenka laga xaqiray Kuraastii ay ku lahaayeen Baarlamanka Cusub.

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla waxay sheegtay in haweenka soomaaliyeed aan la siinin Mudnaantii ay lahaayeen, iyadoona ku eedeysay Madaxda Dowladda KMG iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla haddii aan wax laga qaban Xuquuqda Haweenka ee la duudsiinayo inay dhigayaan banaanbaxyo ay ku muujinayaan xaqiraada lagu hayo.

Ugu danbeyntii dhawaan ayaa shaaca laga qaaday in haweenka Soomaaliyeed uu Dastuurka Cusub ka siinayo kuraasta baarlamanka Cusub %30, taasoo ay soo dhaweeyeen haweenka Soomaaliyeed.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698