Masuul ka tirsan Maamulka Sool oo xalay lagu dilay Laascaanood.
Soomaalinews.com 03 Aug 12, 07:21

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka sool ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas lagu dilay masuul ka mid ahaa Maamulka gobolka Sool ee Somalialnd.

Dabley aan wali la aqoonsan ayaa xalay toogtay Marxuum Maxamad Cawil oo ahaan jiray sida wararku nagu soo gaareen Xisaabiyihii Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland.

Ma jirto cid loo qabtay falka xalay dilka ee ka dhacay Magaalada Laascaanood waxaana uu dilkan ku biirayaa dilal iska joog ah oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacay Magaaladaasi kuwaasi oo dad shacab ah iyo masuuliyiin labaduba lagu dilay.

Goobtii falkaasi dilka ah xalay uu ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland oo howlgalo ka sameeyey.

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa saaka kacsan Ciidamda ayaa wadooyinka lagu daadiyey kuwaasi oo baaritaano iyo howlgalo ka samaynaya wadooyinka Magaalada, waxaana xaaladan ay cabsi hor leh galisay dadka halkaasi ku nool oo joojiyey dhaqdhaqaaqii Ganacsiga iyo socodka kale ee dadweynaha Magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698