Maxamed Xasan Iyo Samsam Farax Oo Maanta Iyo Caawa Ordaya Ciyaaraha Olonbikada Aduunka.
Soomaalinews.com 03 Aug 12, 07:13

Magaalada London ee Dalka Ingiriiska waxaa saaka ka furmaya ciyaaraha Orodka oo maalmahaan la sugayay inay bilowdaan.

Wararka ayaa sheegaya in Orodadaasi ay ka qeyb gali doonaan Dalal badan oo ku yaala qaaradaha kala duwan ee Adduunka.

Soomaaliya waxaa Orodadaasi u matalaya Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed kuwaasi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada London.

Soomaali badan ayaa u ordeysa dalal badan oo ka qeyb galaya tartanka orodada ee maanta ka furmaya magaalada London.

Mo-Faarax oo ah orodyahan Soomaaliyeed una ordaya Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay OrodyahanadaSoomaaliya u matalaya Ciyaaraha maanta London ka furmaya,isagoo kala taliyay arimaha ku aadan qaabka loo ordo.

Wuxuu kula dardaarmay in marka hore ay muujiyaan sidii ruux ku jira tababar,laakiin wareega ugu dambeeya ay sameeyaan orodka dheereeya ,si ay u guuleystaan.

Waxaa ugu horeeya Zamzam Maxamed Faarax oo ordeysa orodka 400 oo miter ,iyadoo la wada sugayo saacada dhanka Africamarkay tahay 2:00 ee Dhuhurnimo “Sideed Saac Maalin”.

Soomaalida ku dhaqan Londonayaa si aad ah usoo dhaweeyay Zamzam iyo Maxamed waxaana labadaba ay rajo ka muujiyeen guulo ay gaaraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698