Ciidamada AMISOM oo maanta Muqdisho ka bilaabay howlgalo Hub ka dhigis ah iyo laba Askari oo ay toogteen.
Soomaalinews.com 03 Aug 12, 07:13

Ciidamada AMISOM ayaa maanta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ka bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee Dhaca iyo dilalka u geysanaya dadka shacabka ah.

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in howlgalkaasi ka bilowday wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyey dadka shacabka ah ay ku dhibaateynayeen Askar ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.

Howlgalka ay wadaan saaka Ciidamada AMISOM waxaa lagu soo qabtay in ka badan 20 Askari oo labisan dareeska Ciidamada kuwaasoo qeyb ka ahaa dhibaateynta dadka shacabka ah.

Sidoo kale ciidamada AMISOM howlgalada ay saaka wadaan waxay ku dileen laba Askari oo ka dhaga adeygay inay hubka dhigaan.

Ciidamada AMISOM howlgalka askarta ay ku soo qabtaan waxa lagu warejinayaa Abaan duulaha Ciidamada Xooga dalka Gen: C/kariin Dhagabadan oo howlgalka qeyb ka ah maanta.

Ugu danbeyntii howlgalkan waa midkii ugu xooganaa ee ka dhan ah Askar ka tirsan dowladda KMG oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698