Mid ka mid ah Ergadii Ansixisey Dastuurka cusub oo Muqdisho lagu dilay.
Soomaalinews.com 03 Aug 12, 06:44

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan xalay Xaafada Xamar Jadiid Degmada Wardhiigley lagu dilay mid ka mid ah Odayaashii Ansixiyey Dastuurka cusub ee la ansixiyey Maalin ka hor.

Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii Xaafada Xamar Jadiid ku dilay mid ka mid ah Odayaashii Ansixiyey Dastuurka sida ay dad goobjoogayaal ah noo sheegeen, Ninkaasoo xiliga la toogtay ku sii jeeday gurigiisa.

Lama oga sabata loo dilay Ninkaasi ka midka ahaa Ergadii Ansixisey Dastuurka cusub, kamana hadlin Dowladda KMG dilkaasi xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay mid ka mid ahaa Ergadii Ansixisey Dastuurka Cusub.

Xarakada Alshabaab waxay mar hore Odayaasha Dhaqanka iyo Ergadii Ansixiyey Dastuurka Cusub ugu hanjabeen in xukunkoodu yahay dil.

Ugu danbeyntii ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada dilka Odaygaasi ka tirsanaa Ergadii Ansixisey Dastuurka Cusub oo xalay lagu dilay Xaafada Xamar Jadiid Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698