Injineer Caan ah oo lagu dilay magaalada Baladweyne.
Soomaalinews.com 02 Aug 12, 17:29

Waxaa maanta Barqadii Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay Enj Cali Xaaji Shirwac oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah looga yaqaano Magaaladaasi.

Kooxo hubaysan ayaa ku dileen Magaalada Baladweyne Inj Cali Xaaji Shirwac ayaa ahaa Enj kii dhisay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq, haatana ku howlanaa dhisida Garoonka Diyaaradaha Magaalada baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Xiliga la dilayay Injineerka waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogayn Saldhiga Booliska Magaalada baladweyne, iyadoo kooxihii dilka u geystay goobta ay ka baxsadeen.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne maamulka Hiiraan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka maanta loo geystay Ninkaasi Injineerka ah, islamarkaana baadigoob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxihii ka dambeeyey.

Ugu danbeyntii Magaalada Baladweyne oo amaankeeda aan wanaagsanayn waxaa horay uga dhacay falal amaanka ka soo horjeeda.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698