Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay inay la socdaan Xunbo doonaya in la soo magacaabo Xildhibaano ay iyagu wataan, isagoo sheegay in arrinkaasi aan la aqbali doonin.
Marxalada adag ayaa waxa uu ku tilmaamay Xulista Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya oo la doonayo inay sal adag u noqoto Dowladda wanaag, isagoo sheegay xulista baarlamanka Cusub tijaabo u tahay sharafta Odayaasha, lagana doonayo Odayaasha inay soo xulaan Baarlaman ka shaqeeya danaha Dadka Soomaaliyeed.
Mahiga wuxuu sheegay in ka mid noqoshada Baarlamanka Cusub aysan ahayn wax shaqo laga dhigto balse ay tahay howl adag, isagoo sheegay in Xildhibaanada Baarlamanka cusub ay u hogaan sami doonaan Shuruucda wadanka.
“Ma ogolaan karno in kuraasta Baarlamanka ay noqdaan badeeco si suuq madow ah lagu kala iibsado, hadba qofkii lacag badana kuraas la siiyo, waxaan hadda ku jirnaa xili aan baadi goob ugu jirno Sharaftii Soomaaliya ay lahayd burburkii ka hor” ayuu ku yiri War qoraal ah oo uu soo saaray Mahiga.
Sidoo kale Mahiga waxa uu sheegay in qofka noqonaya Xildhibaanka Cusub ee Soomaaliya ku yimaado Aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, isagoo sheegay in wax laga shalaayo ay tahay In musharaxiinta dumarka ah ay u nugul yihiin in laga saaro Tartanka, taasoo uu sabab uga dhigay inaysan heysan dhaqaale ku filan.
Ugu danbeyntii Mahiga waxa uu shaaca ka qaaday in ay muddo yar ka harsan tahay xiliga la doonayo in la soo xulo Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiligan oo ah waqti casri ah aysan jirin meel lagu dhuuman karo sida uu warbixinta ku sheegay Mahiga.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com