Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Xarakada alshabaab iyo kuwa dowladda KMG soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa la tilmaamay inay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ay ku lahaayeen duleedka Muqdisho, waxayna labada garab dagaalka isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.
Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay dagaalka inay ka dhasheen Dhimasho iyo Dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, lamase oga tirada inay la egyihiin ee wax ku noqotay dagaaladaasi.
Ugu danbeyntii Ciidamada Xarakada alshabaab waxay inta badan weeraro xiliga habeenkii ah ku soo qaadaan Fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ka samaystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com