Sarkaal ka tirsan dowladda KMG oo ka bad-baaday Qarax lagu dili lahaa.
Soomaalinews.com 02 Aug 12, 08:10

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad sugida gobolka banaadir ayaa saaka ka bad-baaday Qarax la doonayay in lagu qaarajiyo, kaasoo ka dhacay Xaafada Taleex Degmada Hodon.

Khaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Ciidamada Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa gaarigiisa lala beegsaday Qarax Miino oo laga maqlay dhawaqa qaraxasi goobo fog.

Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxay howlgalo qaraxa kadib ka sameeyeen agagaarka gootbii uu qaraxa ka dhacay, balse kuma aysan guuleysan inay qaraxa u soo qabtaan dadkii ka dambeeyey.

Khaliif Axmed Ereg oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu caafimaad qabo uuna ka bad baaday isku day dil uu sheegay in lala damacsanaa saaka looga taqluso.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698