Ergada ansixinta Dastuurka oo maanta u coadeeyey Dastuurka Cusub.
Soomaalinews.com 01 Aug 12, 10:07

Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa maanta u cadeeyey Dastuurka Cusub, iyadoo cod caqlabiyad leh ay ku ansixiyeen.

Sida uu soo sheegayo Wariyaheena Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow Madasha shirka Ansixinta Dastuurka lagu Ansixiyey Dastuurka cusub, iyadoona halkaasi hadlao kala duwan ay ka jeediyeen madaxda dowladda KMG Soomaaliya oo gaaray.

Ergada Ansixinta Dastuurka oo muddo 7 maalmood ka doodayay Qodobo ka mid ah dastuurka waxay maanta ku dhawaaqeen in si KMG ah Dastuurka Cusub ee Soomaaliya dalka uu yeelanayo.

Maalinta bari ah ayaa la sheegay in Munaasabad gunaad ah oo shirkaasi lagu qabanayo Xarunta Shirka lagu ansixiyey maanta Dastuurka Cusub.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698