Kooxo hubaysan ayaa waxay caawa toogasho ku dileen Majaajiliiste Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina dhaawaca ugu geeriyooday.
ALLE ha u naxariistee Geerida Marshaale waxaa ka dambeeyey kooxo hubaysan oo ku toogtay Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Ehelada Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) ayaa sheegay inuu caawa isbitaalka Madiina ku geeriyooday Majaajiliiste Marshaale lana soo shaqeeyey taleefishino iyo Idaacadaha Magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com