Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zanaawi oo xaaladiisa maalmahan xumayd uu geeriyooday.
Idaacada iyo Taleefishinka Dalka Itoobiya marka magacooda la soo gaabiyey loo yaqaan (ESAT) ayaa soo wariyey inuu Geeriyooday Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanaawi, waxaa magaalada Addis Ababa isku soo baxay kumanaan dadweyne ah.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zanaawi waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyey wajahayay xanuun aad u darnaa oo dhanka Kelyaha iyo Beerka, waxaana lagu dawaynayay Isbitaal ku yaala magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.
Warkan oo aan wali la xaqiijin dhab ahaan waxaa si aad ah looga hadal hayaa Magaalada Addis Ababa iyadoo wakaaladaha wararka Caalamka qaarkood ay baahiyeen Warkan ku saabsan geerida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zanaawi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com