Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo xalay Boob kii ugu darnaa ka geystay Degmada Afgooye.
Soomaalinews.com 31 Jul 12, 09:12

Xili maalintii shalay Degmada Afgooye uu booqasho ku tagay madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo balan qaaday inuu wax ka qaban doono Xaaladaha Amni darro ee ka jirta Magaalada ayaa xalay Boob kii ugu darnaa ka geystay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Boobkan waxaa u geystay dadka rayidka ah Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladad KMG, waxayna dadka ka qaateen Raashiin, lacago, Mobilo iyo qalab kale, iyagoona kufsaday haween sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Madaxweyne Shariif markii shalay uu gaaray afgooye waxay odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada u gudbiyeen Cabashooyin ka dhan ah Ciidamada dowlada KMG oo Dhac, Kufsi iyo dil joogta ah ku haya dadka shacabka ah, waxayna dhacadan xalay ka dhacday Afgooye noqonaysaa mid fool xumo iyo Ceeb ku ah Madaxweyne Shariif oo shalay booqday Magaaladaasi si uu wax uga qabto cabashooyinka.

Ugu danbeyntii amaan darida ka jirta Degmada Afgooye oo gaaray heerkii ugu xumaa, ayaa waxay dadka sheegeen inay uga barakacayaan Degmada Amaan dari isku mid ah oo habeenkii iyo maalintiiba ka jirta Degmadaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698