Ra’iisul Wasaare gaas oo ka hadlay dhibaatooyinka sii xoogeysanaya ee ay geysanayaan Burcad Badeeda.
Soomaalinews.com 31 Jul 12, 08:23

Ra iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay inay sii xoogeysanayaan dhibaatada ay geysanayaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida. C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa ku tilmaamay arrin aad looga xumaado in Kheyraadka baddaha Soomaaliya iska gurtan Maraakiil shisheeye, iyagoo mar marsiyo ka dhiganaya inay la dagaalamayaan burcad Badeeda Soomaalida, isagoo mas’uuliyada dusha uga riday kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.


Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in laga bixi lahaa dhibkan haddii aanu jirin kooxo Burcad badeed ah oo caalamka maraakiibtooda Afduubanaya, taasoo dhibato ku ah dalalka Caalamka, waxayna keentay In ciidamo shisheeye loo soo diro Soomaaliya iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya inay ka hortagayaan Burcad Badeeda, laakiin qorshahoodu yahay inay xaalufiyaan qeyraadka badda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay inay dhisanayaan Ciidamo Badd oo awood u leh inay ilaaliyaan Baddaha Soomaaliya kana hortagaan qatarta Burcad badeeda iyo maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada Baddaha Soomaaliya. Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib shisheeye oo la dagaalama Burcad badeeda, laakiin xaqiiqda waxay tahay inay gurtaan Qeyraadka dabiiciga ah ee alle ku yaboohay biyaha Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698