Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo shirka Ansixinta Dastuurka ee ka socda Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxaa uu sheegay in maalinta Bari ah ama Khamiista Saadambe la ansixin doono Dastuurka Cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Ergada ansixinta meel gabo gabo ah u marayaan howlaha loo soo xulay.
Wasiirka waxa uu shaaciyey in waqtiga 9-ka maalmood ah oo ay u qabteen in lagu soo gabagabeynayo Ansixinta Dastuurka maalin ka dib dhacayn, maadaama uu sheegay in inta badan ka soo qeyb galayaasha Shirka Ansixinta Dastuurka ay ka doodeen Qodobadii ugu xasaasisanaa ee Dastuurka.
“Maalinta bari ah ama khamiista saadambe ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeyn doonaa shirka Ansixinta Dastuurka, dalkana xiligaas wixii ka dambeeya waxa uu yeelan doonaa Dastuur Cusub oo KMG ah inta laga helayo Afti Qaran” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda KMG C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Wasiirka ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho maalintii todobaad ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com