Abaanduulaha Ciidamada xooga Dowladda KMG oo sheegay inaan la aqbali doonin dhibaatooyinka shacabka loo geysto.
Soomaalinews.com 31 Jul 12, 07:46

Abaanduulaha Ciidamada dowladda KMG Gen: C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan oo ka mid ahaa Saraakiishii shalay Madaxweyne Shariif ku wehliyey booqashadii Afgooye ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in dhibaatooyin loo geysto dadka shacabka ah Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dhagabadan ayaa waxaa uu sheegay in cidii lagu arko falal amaan daro ah ka geysanayo degmada Afgooye laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, laguna toogan doono bartii lagu arko iyagoo ku dhibaateynaya dadka shacbaka ah.
Shacabka ku nool Degmada Afgooye ayaa u gubiyey madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inay dhibaato ku qabaan kooxo labisan dareeska ciidamada Dowladda KMG.
Ugu danbeyntii shalay ayay ahayd markii Madaxweyne Shariif oo ay wehliyaan Wasiiro iyo saraakiil ay tageen degmada Afgooye, lana kulmeen Odayaasha iyo waxgaradka Degmadaasi oo ka cabanaya falal Amaan daro ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698