Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay Xaafada Jamhuuriyada Degmada Kaaraan ku dilay mid ka mid ah Ilaalada Dekadda Magaalada Muqdisho, waxaana ninka la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Xaaji.
Sida ay sheegayaan wararka Ninkaasi ayaa waxaa toogasho ku dilay ragg bastoolado ku hubaysnaa, iyagoo baxsaday markii ay dilka geysteen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in xiliga la dilayay Ninkaasi ka tirsanaa Ilaalada Dekadda Magaalada Muqdisho uu ka soo baxay Masjid kuna wajahnaa hoygiisa, iyadoo ay ragga bastoolada ku hubaysnaa ay dhexda uga soo baxeen.
Dilkaasi waxaa walaac ka muujiyey dadka deegaanka Xaafada Jamhuuriya Dekada Kaaraan oo sheegay inay falalka dilalka noocaani ah ku soo badanayaan Xaafadaha Degmadaasi.
Ugu danbeyntii dilkan ayaa qeyb ka ah dilalka siyaabo kala duwan uga dhacayay Magaalada Muqdisho, iyadoo labadii todobaad ee ugu dambeeyey magaalada laga dareemayay xaalad daganaan ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com