Howlgal Ciidamada amaanka Puntalnd ay saaka ka sameeyeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay ku soo qabteen in ka badan 15 qof oo lala xariirinayo dilalkii xalay loogu geystay Magaaladaasi Nabadoon C/laahi Faray iyo walaalkiis.
15-ka Qof ayaa lagu soo qabtay howlgalo culus oo ay saaka Ciidamada Amaanka ka sameeyeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana loo gudbiyey Saldhiga sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Amaanka, waxaana ku socda baaritaano la xariira eedeymaha dilalkii xalay.
Taliyaha Qeybta Booliska Puntland ee gobolka Mudug Jaamac Maxamad Axmedayaa sheegay inay socdaan baaritaano dadkaasi la xariirta iyadoo Nabadoonka la dilay lagu wado in saaka lagu aaso Magaaladaasi.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in saaka xaalada Magaalada Gaalkacyo ay kacsan tahay kana socdaan dhaqdhaqaaqyo iyo howlgalo culus ay samaynayaan ciidamada Amaanka si ay u soo qabtaan dad kale oo lala xiriirinayo dilalkii xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Ugu danbeyntii howlgaladan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu dilay ALLE ha u naxariistee Nabadoon C/laahi Faray iyo Walaalkiis iyadoo la dhaawacay Nin kale oo la socday. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com