Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa qirtay isku dayo uu ku doonayay inuu taageero dhaqaale ku siiyo Xarakada alshabaab ee dagaalada kula jira Dowladda KMG iyo AMISOM.
Ninkan oo lagu magacaabo Shakiir Masri oo 28 jir ah kuna nool Magaalada Chicago ayaa ka hor qirtay Maxkamada in muddo lacago u uruurinayay Xarakada Alshabaab, islamarkaana uu waday qorshe uu ugu safri lahaa Dalka Soomaaliya si uu uga dhinac dagaalamo.
Waxaa la xiray Ninkan sanadkii 2010-kii xili uu doonayay inuu u soo safro dalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay muwaadiniinta Mareykanka ee loo qabtay eedeymaha la xariira taageerida Xarakada alshabaab.
Ugu danbeyntii Muwaadinkan mareykanka ah ee qirtay inuu dhaqaale u aruurinayay Xarakada alshabaab ayaa wajahaya 15-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed dhan $250 kun oo Doollaar sida warbixinta lagu sheegay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com