Wararka aan ka helayno Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay caawa magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Nabadoon si weyn looga yaqaan magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Nabadoob C/laahi Faray.
Wararka ayaa sheegaya Nabadoonkaan xili uu salaadii Maqrib ka soo baxay asaga iyo nin ay walaaloyihiin iyo ninkale in ay weerareen kooxo Hubaysan.
Kooxaha Weerarka ku qaaday nabadoonka ayaa gabi ahaanba halkaasi waxay ku dileen Dhabadoon C/laahi Faray iyo nin ay walaalo yihiin.
Sidoo kale waxay halkaasi ku dhaawaceen nin kale oo la sheegay in uu la socday nabadoonka oo ay qaraabo isku dhow ahaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka xiliga dilka loogeesanayay in uu ku sii jeeday gurigiisa si uu u soo afuro maadaama uu soo dukaday salaada maqrib.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dhanka Puntland Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii dilkaasi ka dambeeya.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo aanan la ogayn cida ka danbaysa, waxaana horay loo dilay nabadoono badan oo caan ka ahaa Puntland.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com