Waxaa shilkaa baabuurka ku naf waayey Shan Qof, halka Laba Kalena ay Ku Dhaawacmeen gelinkii dambe maanta duleedka Magaalada Gabiley.
Sida wararka nagu soo gaarayaan shilkan waxa sababay laba baabuur oo isku dhacay, Laba Baabuur ayaa la sheegay in ay kala ahayeen noocyadan mid waa kuwa Jaad-ka qaada ee Loo yaqaano 4.5-ka kaas oo ay lahayd shirkada Jaadka ee Gaafane iyo baabuur noociisu yahay Garandaha oo isagu siday dad rakaab ah.
Maydadka dadka shacabka ah ayaa la dhigay cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley dhawiciina waxa lagu daweynyaa isla cusbitaalkaa magaalada Gabiiley.
Ilaa hada lama hayo lamana garanayo magacyada dadkaa ku geeriyooday shilkaa baabuurta sida goobjoogayaashu sheegayaan waxa aan laba aqoonsan karin maydedkaas sida jidkoodii iyo muuqaalkoodiiba aan loo garan karin burburka gaaray.
Dad aad u tiro badan aya ku soo xoomay cusbitaalka Gabiiley ee la dhigay meydedkaa shilka ku dhintay waxana dadku buux dhaafsheen goobaha ay yaalaan meydadkaasi si ay u eegaan una gartaan shilkani maaha kii ugu horeeyey ee ka dhaca wadooyinka isku xira Magaalooyinka Hargeysa, Boorame iyo Berbera.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com