Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo kullan saxaafada banaanka ka joogtay Xarunta Xalane kula yeeshay odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u sheegay inay muddo 3 maalmood ah ku soo xulaan Baarlamanka cusub ee Dalka Soomaaliya.
Mahiga oo Odayaasha Dhaqanka kula kulmay Xerada Xalane ayaa u sheegay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed in waqtiga u haray dowladda KMG uu gabaabsi marayo, loona baahan yahay in muddo 3 maalmood gudaheed Odayaasha ku soo dhamaystiraan xulida Baarlamanka Cusub.
Ugaas Cali Warsame oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ku sugan kana qeyb galay kullanka Mahiga la yeeshay ayaa wuxuu shegay in loogu baaqay waqtiga inuu yar yahay 3 maalmoodna ku soo xulaan Baarlamanka Cusub.
Mahiga ayaa Olole xoog leh ugu jira sidii ka hor 20-ka Agoosto loo soo dhisi lahaa Dowladd Cusub oo leh Madaxweyne, Guddoomiye Baarlaman, Ra’iisul Wasaare iyo Gole Wasiiro Cusub, lana ansixiyo Dastuurka Qabyada ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com