Wararka laga helayo saaka Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xaalada Magaalada ay tahay mid kacsan oo dadka rayidka ah ay dareemayaan cabsi xoogan.
Dadka degaanka Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay dareemayaan xaalad cabsi ah, kadib markii Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ay bilaabeen Ciidamada dowladda KMG, AMISOM iyo Xarakada alshabaab.
Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG waxay sheegeen inay ku sugan yihiin deegaanka Qalimoow oo 30 KM u jirta Magaalada Jowhar ayna wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco wararka dambe Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com