Qaraxyo xalay lagu weeraray Saldhiga Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Soomaalinews.com 28 Jul 12, 08:04

Qaraxyo sababay qasaaro kala duwa ayaa xalay lagu weeraray Saldhiga Degmada Balcad oo ay joogaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wararka naga soo gaaraya Saldhiga Degmada Balcad waxay sheegayaan in qaraxyadaasi qasaare ka soo gaartay laba Askari oo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo dhaawacyo gaaray, kadib markii lagu tuuray bambooyinka gacanta laga tuuro.

Saraakiil ka tirsan xarakada alshabaab ayaa sheegay inay laba qarax ku tuureen Saldhiga Degmada Balcad xili ay ku sugnaayeen gudaha saldhigaasi.

Ciidamada dowladda KMG saakay howlgalo ayay ka wadaan Xaafadaha Degmada Balcad, lamana soo sheegin ilaa iyo hadda howlgaladaasi inay ku soo qabqabteen dad lala xariirinayo qaraxyadaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698