Madaxweynaha Maamulka Puntland oo baaq u diray Beesha Caalamka iyo Dowladda KMG.
Soomaalinews.com 28 Jul 12, 07:47

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole oo la hadlay warbaahinta deegaanada maamulkaasi ayaa baaq u diray Beesha Caalamka iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in arrin loo dul qaadan karo aysan ahayn Ummadda soomaaliyeed ee habeen iyo maalin ku dhammaanaya Baddaha kala duwan oo Caalamka, iyagoo u Tahriibaya dalal kala duwan oo Yurub ka mid tahay.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in xalay xili dambe qeylo dhaan kaga timid Tahriibayaal soomaali ah oo ka amba baxay Xeebaha dalka liibiya kuna sii jeeday dalka Talyaaniga kuwaasoo xaalad halis ah ay soo wajahday noloshooda.

Faroole ayaa sheegay Tirada Tahriibayaasha oo gaaraya ilaa 90 ruux ay ku sugnaayeen xiligaasi xaalad nolol iyo geeri u dhaxeysa, balse qeylo dhaan ay u direen ciidamada Baddaha Liibiya iyo Talyaaniga ay suuragashay inay si deg deg ah uga jawaabaan Maraakiibta ciidamada Badda Talyaaniga oo u gurmaday dadkaasi islamarkaana badbaadiyey Tahriibayaashaasi xaaladooda halista ku jirtay.

Dowladda KMG Soomaaliya iyo dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inaysan indha ka eegan oo ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Dhalinyarada Soomaaliyeed ka soo gaarta baddaha ay ku Tahriibaan, taasoo ah sida uu yiri halaag ay gacmahooda ku doontaan.

Ugu danbeyntii hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili la bad baaday saacadihii ugu dambeeyey in ka badan 90 Tahriibayaal Soomaali ah oo ka amba baxay Xeebaha Liibiya kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698